Xildhibaanka laga soo doorto degmada Dhadhaab Mohamed Dahiye ayaa ugu baaqay shirkadaha adeegga isgaarsiinta ee telefoonka mobile loo yaqaan inay biro iyo qalabka isgaarsiinta ka taagaan hareeraha xadka wadamada Kenya-Soomaaliya si kor loogu qaado ammaanka gobolka Waqooyi Bari ee kenya.
Xildhibaan Dahiye ayaa sheegay in rakibidda qalabkaasi ee gobolka ay yareyn karto weerarada xuduudaha ee Xarakada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in dhibaatada ugu weyn ee soo food saartay dadka deegaanka ay tahay kuwa doonaya inay macluumaad la wadaagaan hay’adaha ammaanka ay yihiin network la’aan.
“Dadka deegaanka ayaa diyaar u ah inay la wadaagaan macluumaadka laamaha ammaanka laakiin ma isticmaali karaan telefoonada taasoo ku ah caqabad weyn”, Xildhibaanka degmada Dhadhaab Mohamed Dahiye.
“Isgaarsiinta La’aanta aaggaasi ayaa caqab ku ah dadweynaha diyaar u ah inay soo gudbiyaan xog kasta si iskood ah mar kasta oo ay indhaha ku qabtaan Xarakada Al-Shabaab looga shakisan yahay, “ayuu mar kale yiri Xildhibaanka degmada Dhadhaab Mohamed Dahiye.

