Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee BaralamaAnka Soomaaliya u matalaya Dowlad goboleedyada Koofurgalbeed Jubba-land.
Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa maanta loo tartamay ee 7-kursi oo ah xubnaha aqalka hoose u matalaya maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaliya waxaa ka mid ahaa xubnaha guuleystay, Max’ed Shiikh Cusmaan Jawaari,Fowsiya Max’ed Sheekh, Ibraahim isaaq Yaroow,Daahir Cabdi(Dr.GO), Shariif Max’ed Cabdalla,C/wahaab ugaas iyo C/qaadir Shariif.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa lagu soo gaba-gabeeyay wajiga kowaad ee doorashada xubnaha aqalka Hoose.
Xubnaha ku guuleystay doorashada waxaa kamid ahaa Maryan Aweys Jaamac, Luul Cabdi iyo Xamza Sheekh Xuseen ayaa ka guuleystay xubnihii kale ee la tartamayey, iyadoo Doorashadaan loogu baratamayo xubinnimada Aqalka Hoose ay horay ugu soo baxeen Xildhibaanada kala ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo hadda ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, Eng. C/casiis C/llaahi Yuusuf, Cismaan Libaax iyo Mudane C/llaahi Yuusuf Alankey.

