Faah-faahin:-Dagaal Saakay Dib Kaga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saakay aroortii laga maqlay Magaladaas Madaafiic ay is dhaafsadeen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug oo maalmahaan ku dagaalamayay Galbeedka Magaaladaas.

Madaafiicda ay isdaafsadeen Labada ciidan ayaa la sheegay in ay ku dhacday xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay Madaafiicda la is dhaafsaday.

Dagaalka saakay dib kaga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa jabinaya heshiiska dhanka qadka taleefanka ay kuwada gaareen shalay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Mudane C/Kariin Xuseen Guulleed kaasi oo dhigayay in xabad joojin laga dhaqan galiyo Gaalkacyo.

Ergayga gaarka ah ee Xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimha Soomaliya Michael Keating oo shalay  socdaal ku gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku afgarteen in xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug islamarkaana Jimcaha la iskugu tago Magaalada Gaalkacyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here