Raisulwasaaraha:-“Waxaan Madaxda Galmudug iyo Puntland uga Mahadcelinayaa Sida ay iiga Aqbaleen in Xabad Joojin Qaataan”

0

Raisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo kulan qadka  teleefonka kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland  iyo Galmudug  C/kariin Xuseen Guulleed iyo C/wali Maxamed Cali gaas ayaa sheegay inay isku afgarteen in magaladda Galkacyo  laga dhaqan geliyo  xabad-joogin deg deg ah, iyadoo  Taliyaasha Ciidamada  Galmudug  iyo Puntland  lagu amray in ay kala qadaan ciidamada  ku dagaalamay  magaladda Gaalkacyo.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  tilmaamay in  dhawaan  kulan la isugu  keenayo madaxda Galmudug iyo Puntland  la  qaban doono,  si loo dhameeyo colaadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta  Gobolka Mudug.

“Waxaan Madaxda Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland uga mahadcelinayaa sida ay iiga aqbaleen in xabad joojin qaataan, kadib markii aan qadka telefonka kula xiriiray, runtii aad baan uga xunahay kan Xukuumad ahaan colaadda soo noq noqatay ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku rajo weynahay inay dhaqan gasho heshiiska aan maanta garwadeenka ka ahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Maamulka puntland iyo Galmudug  C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed ayaa si diiran u soo dhaweeyay heshiiska maanta laga gaaray colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here