Ergayga gaarka ah ee Xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimha Soomaliya Michael Keating oo maanta socdaal ku gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku afgarteen in xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug.
“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka ku xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”. Ayuu yiri Michael Keating
Denjire Michael Keating Ergayga gaarka ah ee Xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimha Soomaliya ayaa Sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay colaada kusoo laabatay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isagoo Galmudug iyo Puntland ugu baaqay in ay u naxaan shacabka Magaaladaas ku nool.

