Shabaab oo Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Brundi Ay Ku  Leeyihiin Deegaanka Ceel-baraf

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Amisom in saacadihii aynu soo dhaafnay uu ka dhacay deegaanka Ceel-baraf ee Gobolkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday Madaafiic ay mar kale Xarakada  Al-shabaab ay duhurnimadii maanta ay ku gaaraceen Saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, intaas kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaalyahanada Al-shabaab iyo kuwa Ciidamada Brundi.

Qof kamid  ah dadka deegaanka  Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay In dagaal uu deegaanka ka bilowday abaarihii 10:00-barqanimo islamarkaana uu soo gaaray ilaa duhurnimadii maanta balse si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dalkaas.

Warar lagu baahiyay baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Laba diyaaradood ay  Maanta Barqadii kasoo degteen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxayna daabuleen sida wararka lagu sheegay Meydad iyo dhaawacyo, mid kamida diyaaradaha waxaa la saaray Meydadka 5 askari Burundeys ah halka diyaaradda kale ay daabushay dhaawacyada 8 Askari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here