Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa waxaa maanta ka bilowday doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanka Maamulkaas.
Goobta ay ka socota doorashada xubnaha aqalka sare ee Maamulka Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.
Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorto xubnaha aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka puntland wuxuu helay 49-cod wuxuu ka guuleystay C/rashiid Xasan.
Shalay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka puntland waxaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland u matalaya dowladda Somaliya ay wax u dooran la haayeen sidoo kale shuruudaha laga rabo in ay ilaaliyaan ergooyinka wax dooranaya.
Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa Magaaladaas.

