Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ee Maamulka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Xeer ilaaliye Qaranka Soomaliyeed Dr Axmed Cali Daahir, taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Bashiir Goobe iyo mas’uuliyiin kale, waxaa garoonka diyaaraha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxda Galmudug sida Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horeyntii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safaradii uu ku gaaray wadanka imaaraadka Carabta iyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ay kusoo dhamaadeen guulo.
Madaxweyne C/kariin Xuuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in Magaalada Abu Dubia ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay heshiis kuwada gaareen Maamulkiisa iyo Kan Puntland kaasi oo ku saleysnaa joojinta Colaada magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

