Ciidamada Dowladda Austria ayaa xabsigad dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ku qaadey Isbitaal lagu daweeyo haweenka madaxa looga jiro.
Warbaahinta Austria ayaa soo warisey ninkaan Soomaaliga ah oo dalkaasi qaxooti ahaan ku joogey inuu jabsadey Isbitaalkaasi, islaamrkaana uu isku dayey inuu kufsado mid kamid ah haweenka madaxa looga jiro ee halkaasi ku jirey, laakiinse weli isagu arrinkaasi ma aanu qiran.
Muwaadinkaan Soomaaaliyeed ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 18-sano jir, waxaana hadda su’aallo weydiinaya dambi barista Austria, baaritaano lagu hayo muwaadinkaan soomaliyeed haduu dhamaado waxa la filayaa in uu wajaho xabsi.

