Dhageyso:- Degmada Xudur oo Raashin Gargaar lagaarsiinayo

0

Xili shaley Degmada xudur ay gaareen wafdi wasiiro ah oo ka socdo Maamulka Koonfurgalbeed ayaa waxa ay wasiirada koonfurgalbeed sheegeen in gar gaar deg deg ah uu ku wajahan yahay degmada xudur.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada xudur  Aadan Cabdi maxamed ayaa idaacadda Simba u sheegay in ay jiraan Gadiid sido shixnado gargaar ah islamarkaana ay ka anbabaxeen maalin ka hor Magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan waxana gadiidkaan Maamulka Degmada xudur ku tilmaameen in socdaal dhulka ah ay ku gaarayaan Degmada xudur.

Raashinka gargaarka ayaa logu talagalay in loo qeybiyo dad fara badan oo dhawaan isaga soo barakacay Degmada Tiyeegloow ee gobolka bakool oo dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here