
Dalka maraykanka muwaadin Soomaliyeed oo lagu helay in uu lacago usoo diri jiray Al shabaab ayaa dib loogu soo celiyay dalka Somaliya.
Ahmed Nasiri Taalil Mohamud oo ku noolaa Gobolka California islamarkaana taksiile ka ahaa halkaas in mudo ah ayaa la sheegay in lagu helay dacwad la xiriirta in kumanaan dollar ay asaga iyo rag kale ay usoo direen Al shabaabka Somalia ka dagaalanta.
Ninkaa oo da’diisa lagu sheegay 41-sano jir horayna u deganaa xaafada Anaheim ee California ayaa asaga iyo 3 qof oo kale waxaa lagu helay sanadkii 2013-kii in lacag gaaraysa $11,000 ay u aruuriyeen islamarkaana ay usoo direen Al shabaab.
Ninkaan ayaa waxaa lagu xukuamay xabsi gaaraya 6 sano halka seddexdii nin ee kalana lagu riday xukun u dhexeeya 10 iyo 18 sano.
Maraykana ayaa sheegay in boqolaal telefono wicitaan ah oo ay isticmaaleen ragaas dabagal lagu sameeyay laguna ogaaday in ay la shaqaynayeen Xarakada Al shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.
