Xiisaddaan oo ka dhalatay kadib Markii Xalay Askari ka tirsan Maamulka Ahlu-sunna uu ku toogtay Magaaladaasi ruux rayid ahaa ayaa ka jirta Magaalda Guriceel ee gobolka Glgaduud waxaana qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaasi iyo shacabka ku nool magaaladaba ay hakad galiyeen isku socodka gaadiidk aiyo dadweynaha ee magaaladaasi.
Dadkaan oo ka careysan falkan uu geystay askaraiga ahlu-sunna ka tirsan ayaa waxay isku gadaameen afaafka hore ee Xarunta saldhigga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Askariga ka tirsan Maamulka ahlu-sunna iyo ruuxa uu dilay oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada guriceel ayaa waxaa dhaxmaray muran afka ah hadal ah markuu falka geystay askarigu isagoo doonayey inuu baxsado ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamo Maamulka ka tirsan waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan Ahlu-sunna ay gacan ku dhiiglihii u wadeen dhanka Magaalada dhuusamareeb taasi oo keentay in ehelada marxuumku ay diidaan in meydka laga qaado goobta lagu dilay illaa laga keenayo dambiilihii falka geystay.
Waxaa hadda howsha kala dhaxgalay Odayaasha magalada oo arinta xal u raadinaya balse wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in wali meydkii aan la qaadin haddana magalada uu ka socdo kulan u dhexeeya odayaal ka kala socda dhinacyada ay ka dhasheen ruuxa dilka dilka geystay iyo ruuxa uu dilay.
Masuuliyiinta Maamulka Ahlu-sunna oo xiriirro kala duwan ay la sameysay Idaacadda Simba ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan waxa ka dhacay Magaalada Guriceel

