Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka Qeyb Galay Kulan Loogu Hadlaayay Maalgashiga Soomaliya+Sawirro

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 01 November 2016 Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa dhanka Puntland kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland, iyadoona kulanka intii uu socdey diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa muddadii kulanku socday  lagu lafa guray sidii loo midayn lahaa guud ahaan bangiyada ka hawl gala Soomaaliya isla markaana ay u yeelan lahayeen xidhiidh sahlaya in shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u wada adeegsan karaan guud ahaan bangiyada dalka.

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamul goboleedka Soomaliyeed ee Hir-Shabeelle oo aan isagu ka soo qayb gelin kulanka lagu gorfaynayey adeegga maaliyadeed ee soomaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku soo dhoweyey Puntland  xubnaha ka socdey maamul goboleed yada Dalka iyo kuwa ka socdey  fadaralka Soomaaliya.

Dhinaca kale  Madaxweyne ku xigeenka  Puntland ayaa ku tilmaamay in kulankaani  uu muhiim u yahay is dhexgalka maamul goboleedyada Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in adeeggan maaliyadeed ee soomaaliya uu wax weyn ka bedeli doono mustaqbalka dhaqaale ee soomaaliya iyo isu keenidda ganacsatada soomaaliya.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa ku boorriyey masuuliyiintii kasoo qayb gashay kulankaan in muddada dhowrka berri ee uu socon doono kulankaan lagu gorfaynayo nidaamka adeegga maaliyadeed ee Soomaaliya ay ka soo saaraan qodobbo dhaxal-gal u ah ummadda Soomaaliyeed  isla markaana wax weyn ka beddeli kara adeegga maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

img_1530-2 img_1532-1 img_1541-1 img_1545-1 img_1547-1 img_1562-1-1 img_1562-1 img_1572-1 img_1576-1 img_1578-1 img_1582-1 img_1585-1 img_1588-1 img_1590-1 img_1593-1 img_1595-1 img_1681 img_1702

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here