Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ku qabtay Nin Soomaali ah balse heesta Dhalashada dalka Norwey iyo nin kale oo Suudaaniis ah kuwaasi oo watay lacago been abuur ah.
Maamulka Canshuuraha u qaabilsan Garoonka Diyaaradaa Jomo Kenyatta ee dalka Kenya ayaa sheegay in khamiistii lasoo dhaafay labo nin oo midkood Soomaali yahay lagu qabtay garoonka iyaga oo wata lacago badan oo EURO ah kuwaa oo lagu sheegay inay yihiin faalso ama (been abuur).
Wargeyska The Standard oo soo xiganaya Mas’uuliyiin ka tirsan Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya ayaa sheegay in Ninka asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta dhalashada dalka Norwey lagu magacaabo Abdi Osman, halka ninka Suudaaneska magaciisa lagu sheegay Mohamed Hassan Al-dahir Al-Hassa.
Dhanka kale Madaxa Canshuuraha iyo Kontoroolka Xuduudaha ee dalka Kenya, Julius Musyoki ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan ragan lacagaha been abuurka kala dhoofayay garoonka, waxa uuna tilmaamay in ay qabteen 25 Xirmo oo Saraawiil ah ka heleen 178 Lacag Warqad ah , oo midiiba tahay 500 Euro.
Ragaan la qabtay ayaa Sidoo kale la sheegay in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ay kusoo wajahnaayeen Maalinti Arbacada ay taariikhdana ay ku beegan tahay 02/11/2016, balse ay haatan baaritaano ku hayaan Ciidamada amaanka kenya.

