Amaanka Baydhabo oo Si Weyn Loo Adkeeyay iyo Ciidamo Kala Duwan oo Lagu Arkayo Wadooyinka Magaalaas

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladaas waxaa lasoo dhoobay wadooyinka ugu muhiimsan magaaladaas  ciidamo aad u fara badan oo loogu talo galay in ay adkeeyaan ammaanka magaaladaas.

Ciidamada ayaa si gaar ah loo soo dhoobay wadooyinka soo gala Madaxtooyada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaliya iyo sidoo kale wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo oo dhan.

Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeeed Soomaliya Mudane Cabdulaahi Cali Watiin ayaa sheegay in sababta loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo in ay tahay doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo maalmaha soo socda ka dhaci doonto Magaalada Baydhabo.

Amaanka ayuu sheegay gudoomiye Cabdulaahi Cali Watiin In si wadajir ah ay ugu wada qeyb qaadanayaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya , kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ee ku sugan Gobolkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here