Maamulka Galmudug ayaa maanta safiir kuxigeenka Kenya u fadhiya Somaliya Xasan Maxamed Cabdi ku wareejiyay Loise Weru oo ah haweeney Kenyaan ah taas oo laga soo badbaadiyay koox burcad badeed ah.
Loise Weru oo ah haweneyda Kenyatiga ah ee lagasoo badbaadiyey Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida oo k hadashay goobta lagu sagootinaayey ayaa sheegtay in aad ugu faraxsantahay in ay hesho xorriyadeeda maantana loo dhoofiyo dalkeeda.
Safiir kuxigeenka Kenya u fadhiya Somaliya Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in soo badbaadinta Loise Weru ay kor u qaadi doonta xiriirka Kenya iyo Somaliya uuna u mahad celinayo Mamulka Galmudug.
Wasiirka amniga Galmudug Cisman Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa sheegay in maamulka Galmudug iyo Ciidamada dowlada Somaliya ay qabteen shaqo wanaagsan haatana haweeneydan ay kuwareejiyeen dowlada Kenya, ,islamarkaan aysan ahayn markii ugu horreysay oo deegaanada Galmudug lagasoo badbadiyo ajaanib u afduuban kooxaha Burcad badeedda Soomalida,masuuliyad gaar ahna ay iska saarayaan sidii ay ugu dadaali lahayeen in ay soo furtaan ajaanibta iyo mraakiibta kale ee ay haystaan kooxaha Burcad badeedda Soomaalida.

