Kooxda Daacish oo Sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Lagu Qaaday Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi

0

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii dhawaan nin mindi ku hubeysnaa uu ku qaaday Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo lagu dhawacay askari kenyaan ahaa oo ilaalo ka ahaa safaaradda.

“Qofka fuliyay weerarka mindida waardiyayaasha banaanka safaaradda Mareykanka ee Nairobi Khamiistii hore ayaa ahaa askari ka mid ah kooxda Daacish oo ka jawaabayay baaqyada kooxda ee in ay beegsadaan wadamada isbahaysiga,” ayuu lagu yiri warar lagu daabacay Amaq.

Nin mindi-ku hubeysan oo booliska Kenya ay  ku tilmaameen dambiile ayaa lagu toogtay banaanka safaarada Maraykanka ee Nairobi Khamiistii hore ka dib markii uu weeraray islamarkaana dhaawacay sarkaal bilayska Kenya ah oo xarunta ilaalinayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here