Kor joogto Loo Dirayo Goobaha ay Doorashooyinka ka Dhacayaan

0

Gudoomiyaha  xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban c/risaaq oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada muqdisho ayaa sheegay in 7-goobood ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka isagoona tilmaamay in doorashooyinka lagu tala galay in ka dhacaan deeganada soomaaliland lagu qabandoono  magaalada muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in goob walbo oo doorasho ay ka dhaceyso ay u diridoonan 3-xubnood si kor joogto ay  kaga noqdaan doorashada dhaceyso.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan xogo ku aadan cabashooyin badan oo ay qabaan weli beelaha qaar islamarkaana arintaa xalkeeda ay hayaan.

Dhawaan dalka waxaa si rasmi kaga bilaabandoono doorashooyinka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale kuwa lagu soo xulayo xilibaanada baarlamaanka soo socdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here