Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Weeraradii ka Dhacay Dalalka Kenya iyo Soomaliya

0

Warsaxafadeed kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay weeraradii Todobaadkaan ka dhacay dalalka Soomaliya iyo Kenya oo ay sheegteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Golaha Amniga Qaranka aqalka cad ee Mareykanka  Ned Price ayaa si gaar ah  wuxuu ugu  dhaliilay dilka Al-Shabaab ee Talaadadii ku dileen ugu yaraan 12 qof guriga martida ee Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya kaasi oo dhacay xili saq dhexe ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale dhalleeceeyay si kululna u camaareeyay  weerarka Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen  Saldhiga Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ee bartamaha Soomaaliya oo sida shabaab ay sheegeen , lagu dilay 17 askari oo Jabuutiyaan ah, oo xiligaas ku sugnaa saldhig ku yaala Magaalada Beledweyne.

“Mareykanku wuxuu marwalba garab taaganyahay dadka Kenya iyo Soomaaliya oo u istaagaan ka shaqeynta sidii loo xoojin laha  ammaanka iyo in la ballaariyo fursadaha dhamaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Maraykanka.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa todobaadka qaaday labo weerar kuwaasi oo ka kala dhacay dalalka Kenya iyo Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here