Wararka ka imaanaya degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka midowga afrika ee Amisom in ay saakay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaayo ciidan ay ku doonayaan In halkaa ay kaga baxaan.
Maamulka degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah AMISOM ee degmada ku sugan ay ku wargaliyeen in ay ka baxayaan saldhigyada ay halkaas kaga sugan yihiin.
Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa todobaadkaan gudihiisa isaga baxay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale horey ugu baxay deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.
Arintaan ayaa lagu macneeyay inay la xiriirto kacdoon-ka ka socda gudaha Itoobiya, kaddib markii banaan baxyo rabshado wata ay ka bilowdeen Gobolada ay degaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

