Gaashaanle ka Tirsanaa Nabad Sugida Soomaliya oo Lagu Dilay degmada Waabari

0

Kooxo Hubeysan ayaa maqribkii caawa gudaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen ala ha u naxariistee Gaashaanle dhexe C/casiis Caraaye oo ka tirsanaa  Saraakiisha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida dowladda Soomaliya.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay dileen Gaashaanlaha waxaana u suurta gashay in ay goobta ka baxsadaan dilka kadib sida goob-joogayaal  ku sugn degmada Waabari ay u sheegeen idaacadda simba .

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlaadda Soomaliya ayaa goobt gaaray dilka kadib, iyagoo halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka Gaashaanle dhexe C/casiis Caraaye.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda dilka Gaashaanlle C/Caziis oo ay ku eedaysay in uu wada shaqeyn la lahaa wadamada reer Galbeedka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here