Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka howlaha guud Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo dagaalka ka hadlayay ayaa sheegay inay Puntland difaacanayso dhulkeeda islamarkaana aysan cidna weerar ku ahayn sida horey looga bartay,
Wasiir C/rashiid Maxamed Xirsi wuxuuna sheegay dagaalkii shalay dhacay in saddex jiho lagasoo weeraray Ciidamada Maamulka Puntland, balse wuxuu sheegay inay ciidamada Puntland ku guulaysteen inay jabiyaan Ciidamada Galmudug ee weerarka kusoo qaaday.
Wuxuu sheegay wasiirka howlaha guud Puntland, Puntland diyaar u tahay inay dhulkeeda ka difaacdo cadow kasta oo leh wajiyo kala duwan isuguna jira Galmudug, Al-shabab iyo dowladda Federalka Soomaliya oo uu sheegay inay ciidamo geysay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Galmudug.
Ugu yaraan 10 askari oo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen dagaalkii shalay galab ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay.

