Dawlada Kenya oo Sheegtay in Ganacsatada Mandeera ay Dhaqaale Siiyaan Al-shabaab

0

Fredrick Shisia Gudoomiyaha degmada Mandeera ayaa sheegay in Al shabab ay dhaqaalo ka helaan ganacsato  ku sugan degmadaas,waxaana uu sheegay in arrintaas ay walwal kaqabaan.

Mr Shisia ayaa waxa uu tilmmaamay in sirdoonka dawlada Kenya ay heleen xog  ku saabsan in ganacstada ku nool magaalada Mandeer ay siiyaan canshuur iyo lacago kale Al shabaab, waxaa uu ku edeeyay gaar ka mid ah bulshada degmada in ay jahwareerinayaan dagaalka ay kula jiraan Al shabaab waxaana uu intaas raaciyay in tilaabo laga qaadi doono dadkaas.

“Qof kastoo oo xiriir la sameeya Xarakada Al shabaab waa laxiro doonaa waxaana lagu soo oogidonaana dacwada”, ayuu yiri Fredrick Shisia gudoomiyaha degmada Mandeera.

Fredrick Shisia gudoomiyaha degmada Mandeera ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ammaanku ay aad ula socdaan dhaq dhaqaaqa xuduuda u dhaxaysa Somaliya iyo Kenya halkaas oo uu sheegay in ay  kala socdaa haween qorshaynaya in ay kasoo gudbaan Jabbland islamarkaana doonaya in ay gudaha ugalaan magaalada Mandeera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here