Qaraxaan oo u muuqaday mid Horay loogu sii diyaariyay Maqaaxi ku taala bartamaha Degamada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku Naf waayey inta la xaqiijiyay 6-ruux oo iskugu Jira Dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed .
Goobata Qaraxo uu ka dhacay ayaa aheyd maqaaxi inta badan ay fariistaan Ciiidamada Amaanka ee Maamulka koonfur Galbeed ee Degmada Buur-hakaba xiliyada ay ka nasanayaan Shaqooyinka.
6-ruux ee qaraxaan ku dhintay ayaa kala ahaa 3-askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka Degmada Buur-hakabada iyo 3-ruux oo rayida ahaa oo ku jiray Gudaha Maqaaxida la weeraray sida Mas’uuliyiin ka Tirsan Koonfur Galbeed ay u sheegeen idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho.
Qarax kadib Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi-goobayay kooxihii ka dambeeyay qaraxa, waxaana xusid mudan in isgaarsiinta degmada Hawada laga saaray markuu qaraxa dhacay kadib.

