Golaha wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ka ee Maamulkaas.
Kulankan oo uu shir gudoominayey madaxweynaha maamulkaas Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sugida amaanka degaanada hoos taga maamulkaas, iyo dagaalkii Al-shabaab dhawaan ay ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xubnaha golaha wasiirada maamulka Koonfur galbeed ayaa ugu dambeyn soo saaray qodobo ay ka mid yihiin:-
(1)In ciidamo deg deg ah loodiro gobolka Shabeellaha hoose.
(2)In sida ugu dhaqsiyaha badan looga furo gobolka Shabeellaha hoose xerooyin lagu tababaro ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
(3)Waxey tacsi u direen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartey dagaalkii ku dhaxmarey degmada Afgooye iyaga iyo Al-shabaab, iyagoo intii ku dhimatey Allah uga baryey inuu u naxriisto intii ku dhaawacantayna bogsiiyo.

