Dowladda Shiinaha ayaa Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee ku sugan Soomaliya ugu deeqday Agab Milatiri oo loogu talagay in lagu xoojiyo Ciidamada.
Wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Somaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in qalab malatari oo noocyo kala duwan ah ay ka heleen dowladda Shiinaha islamarkaana maalaha soo socda uu soo gaari doono taliska Amisom ee Soomaliy.a
Danjire Francisco Madeira Wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Somaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in agabkaasi Militari ee la soo gaarsiin doono howlgalka Midowga Afrika ee Amisom oo la gula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab, oo wali ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu sheegay in agabkan uu xoojinayo howlgalka Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wada qeybo ka mid ah Dalka Somaliya.
Ciidamada midowga afrika Amisom ee Soomaliya ku sugan ayaa Taageera siiya ciidamada Dowladda Soomaliya oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab.

