Wasiir Taardhuuleed: “Madaxweynaha Puntland ayaa Kasoo Horjeeda Heshiis Laga Gaaro Dagaalada Gaalkacyo”,

0

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed   oo warbaahnta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uusan diyaar u aheyn xiligaan wada-hadal islamarkaana dhowr jeer oo hore ay ku gacan seereen in ay is horfariistaan labada maamul si loogu wada-hadlo Colaada Magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Taardhuleed Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wasiiro uu isaga kamid yahay in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay u tageen xalinta colaada Magaalada Gaalkacyo balse Puntland ay diiday In wasiiro ay soo dirsato si loogu wada-hadlo arinta Colaada.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed   ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas in uu kasoo horjeedo heshiis laga gaaro dagaalada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa shalay sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Balse Wasiirka Deegaanka  Maamulka Puntland  Mudane Cali Cabdulaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wada-hadal ay kula jiraan dowlad Goboleedka Galmudug si loo xaliyo dagaalada maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here