Madaxweynaha Galmudug oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ah ee Maamulk Galmudug kadib markii uu ka qeyb galay shalay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka Tirsan aqalka sare Galmudug ee dhawaan lagu doortay Magaalada cadaado ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaaladaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Galmudug iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo warbaahinta la hadlay ayaa hambalyo u direy maamulka Hir-shabeelle isagoo guul ku tilmaamay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa ugu baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif  Ugaas Rooble oo kamid ah ugaasyada kasoo horjeeda maamul cusub In uu aqoonsado maamulka islamarkaana uu la xalin doono waxyaabaha ay tabanayaan reer Hiiraan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Cadaado ka dhagax dhiga 4 Waddooyin oo jaay ah oo laga Hirgalinayo, waxaana Mashruucaaan oo uu fulinayo Maamulka Degmada Cadaado maalgalniya Hayadaha Qaramada Midoobe Qaarkood.

gul1 gul2 guled1 guled2 guled4 guled5 guled6

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here