Faah-faahin:-Al-shabaab oo La Wareegay Qeybo ka Mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Xarakada Al-shabaab abaarihii 02:50 daqiiqo ee maanta dagaal xoogan ay ku qaadeen Gudaha degmadaas.

Dagaalka ayaa  bilowday kadib markii dagaalyahanada Xarakada  Al-shabaab  ay qarxiyeen buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah meel u dhow saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihin Gudaha degamadaas qaraxa ayayna u adeegsadeen Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalyanada Xarakada Al-shabaab ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye oo uu ku jiro suuqa ganacsiga degmadaas iyo qeybo kale oo ka tirsan bartamaha degmada, iyadoo dagaalku xoogiisu ka socdo halka loo yaqaano Mukayga.

Dhanka kale Ganacsiga & socodka dadka iyo gaadiidka degmada Afgooye ayaa gebi ahan joogsaday waxaana gudaha iyo hareeraha degmadaas laga maqlayaa rasaas aad u xoogan iyo qaraxyo waaweyn lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay.

Wixii kusoo Kordha kala soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here