Xaalad daganaansho ayaa saakay laga dareemayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay kuwada dagaaleem Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Tiro hoobiyayaal ah ayay shalay galinkii dambe is dhaafsadeen Ciidamada kala Taabacsan Mamulada Puntland iyo Galmudug oo wali isku horfadhiya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo labada Maamul ay isku qilaafsan yihiin Maxjar Xoolaha loogu talagalay ee Puntland ka dhisayso Magaalada Gaalkacyo.
Dadkii ku noolaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa intooda badan isaga barakacay Magaaladaas cabsi ay ka qabaan waxyeelo kasoo gaarta hubka culus ay isweedaarsanayaan labada Ciidan.
Warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA ayaa lagu shaaciyay in kumaam kun ee shacab ah ay ku barakaceen colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.
Tiro lagu qiyaasay 50,000 oo qof , oo shacab ah ayaa la shaaciyay in ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

