Khudbadaha Musharixiinta U Tartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Hir-shabeelle oo Bilowday+Sawirro

0

Howlka Shirarka Farjano ee Magaalada Jowhar  ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa  ka bilowday dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta U tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xarunta Shirka waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya Sida Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD, Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, Musharixiita u taagan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle iyo marti sharaf kala duwan, iyo Mas’uuliyiin kale oo dowlada Soomaliya ka Tirsan.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle waxaa u tartamaya Sadex Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare ,Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Cali Maxamed Carraale , kuwaa oo bilaabay in ay hada jeediyaan Khudbadaha waxqabadkooda hadii loo doorto Hogaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka  dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa u sharaxan labo Musharax oo kala ah Gudoomiyihii maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Guudlaawe iyo Musharax Cali Xasan Taakow, waxaana la filayaa musharixiintan in iyana jeediyaan khudbado ku aadan waxqabadkooda.

ware_8 ware_7 ware_6 ware_5 ware_4 ware_3 ware_1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here