Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland oo Booqday Maxjarka Xoolaha Magaalada Gaalkacyo+Sawirro

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Axmed Karaash  oo maanta kormeer ku tagay Maxjarka laga dhisaayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka ee Gobolka Mudug  oo ah halka ay ku muransan yihiin maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha Maxjarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Karaash   ayaa sheegay  Puntland inay horumar ujeesatay islamarkaana aysan diyaar u ahayn inay Soomaaliya u horseedo colaad sokeeye, laakiin wuxuu cadeeyay inay Puntland diyaar u tahay in ay ka jawaabto duulaan kasta oo kaga yimaado cadowgeeda uu ula jeeday dowlad Goboleedka Galmudug.

“Waxaan maqlaynay in ciidamo lagasoo diray dowladda Federalka  Soomaliya, Waxaan leenahay kaalaya oo la dagaalama Puntland, haddii Soomaalinimada iyo darsinimada la xushmayn waayo waxaanu diyaar u nahay inaan idin la qaadano wax kasta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Karaash.

Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ayaa ah halka ay ku muransan yihiin Maamulada Puntland iyo Galmudug dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan labada Maamul.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here