Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya Siyaasiyiin Caan ah Oo Gaaray Magaalada Jowhar+Sawirro

0

Magaalada jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta gaaray Wasiiro ka tirsan  Xukuumada Federaalka Soamliya, Xildhibaano, Xubno kale oo katirsan Dowlada iyo Siyaasiyiin caan ah.

Xubnaha soo gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa kamid ah Wasiiru-Dowladaha Maaliyada Xukuumada Somaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur, Xildhibaano , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale , Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Generaal Tuur yare iyo Siyaasiyiin caan ah uu ku jiro Muuse Suudi Yalaxow.

Masuuliyiintan ayaa magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle u tagay sida la sheegay  xalinta cabashooyin ay keeneen Beelo ka qeyb galayay shirka maamul u sameynta Hirshabelle, waxa ayna Masuuliyiintan maanta tagay  Jowhar kula kulmeen masuuliin katirsan Dowlada oo horey u joogay uu ku jiro Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen odawaa.

Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle shalay waxaa la wareegay xarunta Shirka ciidamo la sheegay in uu watay Cali Xasan Taakow  oo kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle kaasi oo dowlada dhexe ee soomaliya ku eedeeyay in ay fara-galin ku heysto arrimaha maamul u sameynta.

 

nura_6 nura_5 nura_3 nura_4 nura_2 nura_1 nura_9 nura_8 nura_7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here