Dhageyso:-Odaayaasha Cadaado Oo Sheegay in Duulaan lagu Soo Qaaday

0

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cadaado ayaa Maamulka Ahalusuna ku Eedeeyey wadaan Qorshayaal ka Dhan ah Nabad kuwada Daganaanshada Bulshada Gobalka Galgaduud gaar ahaan Deegaanada u Dhexeeya Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.

Kulan Balaaran oo ay iskugu Yimaadeen Dhamaan Duubabka Dhaqanka Magaalada ayaa Waxa ay iskulul iga hadleen Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Deegaanka Gudin-labe oo u Dhaxeeyey Magaalooyink Cadaado iyo Dhuusa-mareeb ay kala Maamulaan Galmudug iyo Ahalusun.

Odayaasha ayaa Beeniyey in Dagaalka Gudin-labe uu Dhexmaray Ciidamada Maamulka Galmudug oo Taageero ka helaya Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Maamulka Ahalusun wax ayna Cadeeyeen Ciidamada Maamulka Ahalusuna ay ku Duuleen Beelo Daga Gudin-labe.

Uga Danbeyntii Odayaasha Cadaado ayaa Qabaa’ilka Daga Magaalada Cadaado iyo Deegaanada hoos yimaada waxa ay ugu baaqeen inay u Diyaar garoobaan Dagaal ay la Gali-doonaan Wax ay ugu Yeereen Koox Burcad Diimeed ah oo ka soo Horjeeda Xasiloonada Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here