Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo Doortay Gudoomiye Baarlamaan+Sawirro

0

Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle oo maanta kulankoda Labaad ku yeeshay magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas ayaa ku doortay Gudoomiyaha  Baarlamanka Cusub uu yeelanayo Baarlamaanka Maamulkaasi.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle waxaaku tartamayay labo Musharax oo kala ah Abuukar Xasan Cali (Maqaney) iyo Sh Cismaan Barre, waxaana doorashada ay aheed mid aad u xamaasad badneed oo lagu kala baxayay wareega koowaad.

Sida ay Shaaciyeen guddiga Doorashada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle waxaa ku guuleestay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Musharax Sh Cismaan Barre oo helay codad gaaraya 61 cod halka Musharaxa laga guuleestay uu isna helay codad gaaraya 28 cod.

Xaflad doorashada Gudoomiyaha  Cusub  Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jwaari, xubno ka socda wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

doro_1 doro_2 doro_4 doro_7 doro_8 doro_9 doro_10 riyo_2

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here