Ciidamada Yuhuuda oo Toogasho ku Dilay Muwaadin Falastiini ah oo ku Sugnaa Jerusalem

0

Ciidamada Israel ayaa toogashadaan ka geystay xaafada Silwan oo ka tirsan dhulka falastiiniyiinta ee daanta galbeed oo ay xoogga ku deegaamaysteen  xukuumada Yuhuudu,sida  laga soo xigtay saraakiil falastiiniyiin ah oo halkaas ku sugan.

Ali Shioukhi, oo ahaa wiil dhalin yaro ah oo 20jir ahaa, ayaa ciidamada yuhuudu ay toogasho ku dileen habeenkii xalay ayadoo dhaawac kasoo gaaray toogashadaas uu u geeriyooday kadib markii ay diideen in gar gaar loo fidiyo si isbitaal loogu qaado.

Dilkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Israel ay ciidamo soo dhoobtay daanta galbeed iyo bariga Jerusalem si ay u caburiyaan dadka falastiiniyiinta ah ee dhulkooda lahaysto taas oo ay ka hor imaadeen dadka reer falastiin islamarkaana ay dhigeen banaabaxyo ay uga cabanayaan weerarkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here