Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo AMISOM oo Gaaray Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta Gaaray  Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka  Soomaliya iyo Taliska Midowga Afrika  Amisom ee Soomaliya.

Mas’uuliyiinta gaaray Magaalada Cadaado waxaa kamid ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban  Mudane Cumar Maxamed Cabdulle dhegey, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cali baashi Max’ed Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaaliya     Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa  halkaasi u tagay in ay Hubiyaan habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka sanadkaa ka dhacaya iyo sidii ay Maamulka Galmudug  kaga wada hadli lahaayeey Suggidda ammaanka deegaankaasi inta lagu guda jiro xilliga doorashooyinka.

dsc00228 dsc00230 dsc00233 dsc00235-1 dsc00240 dsc00248 dsc00254

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here