Kenya oo Bilowday in ay ku Qasabto Qaxootiga Somaliyeed in ay Dib Ugu Soo Laabtaan Dalkooda

0

Hay’adaha samafalka ayaa ku eedeeyay  Kenya in ay jebinayso sharciga caalamiga ah islamarkaana ay ku qasbayso in ay dib ugu noqdaan dalka Somalia dadka qaxootiga ah ee ku jira xerada DADAAB.

Dawlada Kenya ayaa ku adkaysanaysa in ay ka rari doonto dhamaanba qaxootiga ku nool xerada DADAAB, Hay’ad laga leeyahay dalka norwey oo magaceeda loosoo gaabiyo NRC islamarkaana ka mid ah Hay’adaha caawiya qaxootiga ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku eedeysay in dawlada Kenya ay ku tumanayso sharciga islamarkaana ay qoxootiga qasab u adeegsanayso si ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Cadaadiska ay dawlada Kenya ku hayso dadka qaxootiga  ah ayaa la sheegay in isku dhexyaac ay ku keentay qaabkii loo diiwan gelin lahaa dadka noqonaya sida uu sheegay xoghayaha Hay’adda NRC Jan Egeland.

Mr. Egeland ayaa waxaa uu intaas ku daray in waxa hadda socda aysan ahayn dad doonaya in ay si iskood ah dib ugu soo laabtaan Somalia sidoo kalana aysan haysan dadka qaxootiga ah sharaftii iyo ammaankii loo baahnaa in ay helaan hadii ay noqonayaan iyo hadii kale.

Hay’adda UNHCR ayaa horay u dhaleecaysay kooxaha u dooda xuuqul aadnaha ee taageraya dib u celinta aan sharciga ku taagnayn ee lagu hayo qaxootiga somaliyeed ee ku jira xerada DADAAB.

Bishii lasoo dhaafay HRW ayaa waxaa ay sheegtay in dib  u celinta qaxootigu ay uga siidarayso xaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here