Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu ansixiyay dastuur la sheegay in uu uu yeelan doono maamul loogu Magac daray Hiiraan state.
Kulan maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo duubabka dhaqanka iyo qeybaha bulshada Gobolka iyagoo sheegay in maalmaha soo socda si rasmi ah loo dhameystiri doono dhismaha maamulka Hiiraan state.
Codeynta oo aheyd mid gacan tag ah ayaa waxaa u codeyay dastuurka maamul goboleedka Hiiraan 419 ruux, 3 qof ayaa diiday halka hal ruuxna wwu ka amuusay waxan guddiga qaban qabaada ay ku dhawaqeen in maanta laga bilaabo u ansax yahay dastuurka maamulka Hiiraan State.







