Gaboobe:- “ Wada-hadalka aan kula Jirno Maraykanka ee Weerarkii Gobolka Mudug Meel Fiican Ayuu Marayaa”,

0

Maamulka Galmudug ayaa Sheegay in Meel Gaba-gabo ah uu Marayo Wada hadal ay kula jireen Dowlada Maraykanka ee ku aadanWeerarkii Askarta Badan ay ku Dhimatay ee diyaaradaha Maraykanka ay ka fuliyeen  qaaday Saldhig Ciidamada Galmudug ay kula haayeen Bariga Gobalka Mudug.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Adaan (Gaboobe )oo Waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Horumar laga Sameeyey Wada hadalo ay kula jiraan Dowlada Maraykanka oo la Xiriira Duqeyntii Diyaaradaha  Maraykanka ay ku Dileen Askar ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Agaasime Gaboobe ayaa Sheegay Dowlada Maraykanka ay Garowsatay Qaladkii ay ku Weerartay Cutub isku jira Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaa Qeybta 21-aad Gobolada Mudug iyo Galgaduug.

Dhankale Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi ayaa Beeniyey Warar sheegaya  in hakad lagaliyey Howlihii Shaqo Hay’adaha  kala Duwan ee Maamulka Galmudug inta Baaritaan lagu Sameynayo Askarta ku Dhimatay Weerarka Maraykanka uu ka Fuliyey Saldhig Ciidanka Galmudug oo ku lahaayeen  Deegaan Jeexdin oo Dhaca Duleedka Waqooyi Bari Magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka Hadalkaas ayuu ku Tilmaamay Mid wax kama Jiraan ah oo ay Baahiyeen Shaqsiyaad ka Soo Horjeeda Xasiloonada iyo Horumarka uu Maamulka Galmudug ka Sameeyey Dhinaca Ciidamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here