Ergooyinkii ka Qeyb Galayay Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Shirka Isaga Baxay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe in ay  shirka isaga baxeen.

Sababta ay shirka ay isaga baxeen Ergooyinkii ka qeyb galaya Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay Ergooyinka u sheegtay in aysan jirin dhaqaalo loogu talagalay in la siiyo Ergada.

Ergada  Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe  oo loo qeybiyay saaka Dastuurka maamulka labada gobol ayaa isaga baxay hoolka shirarka iyagoo diiday inay sii fadhiyaan kana doodaan dastuurka Maamul uu yeelanayo.

Waxaa xiligaan  soconaya dadaalo ay wadaan Madax ka Socota Urur Goboleedka IGAD kuwaasoo doonaya inay Ergada ku qanciyaan in ay shirka sii joogaan, Ergada oo aan weli soo dhamaystirmin ayaa haatan waxaa ka dhex bilowday khilaafka ku salaysan dhanka dhaqaalaha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here