Dowladda Maraykanka oo Sheegtay in Baaritaan ay ku Samaynayso Duqayntii ka Dhacday Gobolka Mudug

0

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Ash Carter ayaa sheegay in ay baarayaan duqayntii  ka dhacday Gobolka Mudug kadib markii warar is khifaalsan ay kasoo bexeen cidda lala beegsaday duqayntaas.

”Tusaale ahaan markii ay su’aalo ka timaado ficilada nuucaan ah waxaan ku samaynaa baaritaano” Carter ayaa sidaas wariyayaasha ugu sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay Hawaii dalka Maraykanka.

Carter ayaa waxaa uu qiray in aysan weli baaritaan ku samayn arrintaas ku saabsan duqaynta,laakiin waxaa uu sheegay in wixii kasoo baxa markii baritaanka lasoo dhamaystiro ay soo bandhigidoonaan.

Intaas waxa uu ku daray in aysan jirin ciidan lamid ah midka maraykanka marka la eego isla xisaabtanka hufnaanta iyo shuruucda furan.

Dhanka kale waxa uu qiray xaqiiqada ah in ay jiraan qaladaad ay sameeyaan ciidamada maraykanku inkastoo uu sheegay in lagu xaliyo qaladdaadkaas isla xisaabtan markii ay dhacaan.

Dawlada Somaliya ayaa horay maraykanka waxaa ay kaga dalbatay in uu sharaxaad ka bixiyo duqayntii ay diyaaradihiis ka fuliyeen Gobolka Mudug taas oo lagu dilay 13 ka mid ah ciidamada Galmudug sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dawlada Somaliya.

Taliska Ciidamada Maraykanka ayaa warbixin uu siidayay maalintii khamiistii waxaa uu ku sheegay in weerarkaas duqeyn  dhinca cirka ahaa uu ahaa mid isdifaac ah oo ka dhacay meel u dhow Magaalada Galkayo ayna ku dileen ugu yaraan 9 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here