Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Weerar ku qaaday Tuulada Golishumbi

0

Wararka ka imaanaya gobolka jubada hoose ayaa ku waramaya in xaley weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka Golishumbi.

Howlgalka oo aha mid qorsheysan islamarkana ay waqti habeen barki ay fuliyeen ciidamada kumaandooska soomaaliya ayaa waxaa jiray iska hor imaad xoogan oo ay ciidamada la galeen dagaalyano ka tirsan al shabaab.

Taliyaha ciidamada Jubbaland Korneyl Aadan Goojaar ayaa waxa uu sheegay in qasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidamada al shabaab islamarkana ay kala wareegeen fariisink ay weerareen.

Al shabaab oo aan weli ka hadal weerarkan ay ciidamada kumaandooska soomaaliya ka fuliyeen qeybo kamid ah gobbolka jubada hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here