Gudoomiyaha Gobolka:-“Marnaba Ma Aqbali Doono Dhibaateynta Dhalinyarada Somaliyeed”,+Dhageyso

0

Banaanbax balaaran oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay taalada Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho  Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcale(Madaale),  mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka, Boqolaal dadweynaha ku nool caasimada Magaalada  Muqdisho ayaa ka soo qaybgalay Banaanbaxaan oo loogu soo horjeeday Xukuno la sheegay in ay dowlada Hindiya  ku riday dhalinyaro Soomaliyeed oo ku xiran Xabsiyada dalkaas.

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn dhalinyarada Somaliyed in lagu dhibaateeyo xabsiyada caalamka.

Banaanbaxyo sidaan oo kala ah ayaa ka dhacay qaar kamid ah Magaalooyinka Gobolada dalka Soomaliya kuwaasi oo loogu soo horjeeday Xukuno la sheegay in dowladda hindiya ay ku ridey dhalinyaro soomaliyeed oo ku xiran xabsiyada dalalkaas, iskastoo safaaradda Soomaliya ee dalka Hindiya ay beenisay wararkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here