Ala Ha U Naxariistee Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka Tirsanaa Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa galabta lagu dilay Xaafada Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshid.
Labo Ruux oo ku hubeysanaa bistooloda islamarkaana watay mooto Bajaaj ayaa toogasho ku Dilay AUN Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka mid ahaa Wardooneyaasha Shabakada Warbaahinta Shabelle xili uu ku sugna meel shaah laga cabo oo ku taala Xaafada Jiiro-garoob ee Degmada Yaaqshiid.
Agaasimaha guud ee Shabakada Warbaahinta Shabelle mudane Abuukar Sky oo la Hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in lagu soo wargaliyay dhimashada wariyaha oo saacado ka hor ka tagay xarunta islamarkaana aysan xiligaan ogeyn fariino hanjaab ah oo lasooo gaarsiiyay Wariyaha oo keenay dilkiisa.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Wariye Cabdicasiis Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadeenada Shabakadda Warbaahinta Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee maanta kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

