Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo Ka Warbixiyay Howlgal Laga Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal qorshaysan oo cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab  ay ka fuliyeen tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cali Baashi Maxamed oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Ciidamada sida gar gaarka ah u tababar ee Danab ay howlgal ka fuliyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose islamarkaana ujeedka howlgalkaas loo fuliyay lagu guuleystay.

Janaraal Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Ciidamda ay howlgalladaasi ku qaarijiyeen sided ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Diyaarado ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa Todobaadkaan Gudihiisa duqeyn ka fuliyay deegaanka Gaanjo-roon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya, oo kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here