Howlgal Saameeyn ku yeeshay Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo Hadda Suuqa Ka socda.

0

Ciidamada Farabadan oo isugu jira Kuwa Ka tirsan AMISOM iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa saaka gab ahaamba hakad galiyey Isku socodka Howlihii Ganacsiga suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa taagan waddooyinka waxaana dadka ay ka celinayaan una diidayaan isticmaalka waddooyinkaasi iyo in ay gudaha u galaan suuqa.

Waxaa ay Ciidamadu qabteen tiro dhallinyaro ah oo la isugu keena goob fagaare ah oo aanan sidaa ugu fogeyn isgoyska howl wadaag ee magaalada muqdisho.

Ciidamadaani isugu jiro AMISOM iyo kuwa dowladda oo aanan la shaacin howlgalkooda waxa uu salka ku hayo ayaa bilaawday xili hore ee saake iyadoona ilaa iminka uu socda.

Gawaarida ciidamada AMISOM iyo ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa gudaha iyo hareeraha suuqa Bakaaraha kuwaasi oo dadka u diidaya in ay galaan gudaha Suuqa taa oo jirto ayaa hadane waxaa adag in dadka ku sugan gudaha Bakaaraha in ay iyane ka baxaan.

Howlgalka ay saameyn ku yeeshay ganacsigii iyo Isku socodkii dadka suuqa bakaaraha iyadoona aysan jirin goobo ganacsi oo furan maanta.

La soco wixii faah-faahin ah ee kasoo baxo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here