Xukuumadda Soomaliya oo Dib u Eegis Ku Sameyn Doonta Heshiiskii Lala Galay Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak

0

Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa shaacisay in dib u eegis lagu sameyn doono Heshiiskii lala galay Shirkadaha maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee  aadan Caddde ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin.

“Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah miiska ayay saaran yihiin, labadaba dib u eegis ayaa ku socota, Al-Beyrak waxay noo sheegeen waxa ay ka qaataan Dekeda iyo waxa ka soo gala aan isku mid aheyn”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo wareysi gaar ah  siinayay Telefishinka Horn Cabel.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in arrinta ku saabsan Garoonka ay rumeysan yihiin in dhaqaalaha ka soo gala inteeda badan qaadato Shirkadda Favori, taasna iyana heshiis laga gaari doono.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu yimid shaki ku aadan dhinaca dhaqaalaha ee ka soo xarooda Garoonka diyaaradaha  aadan Cadde iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here