Madaxweynihii Hore ee Dowladdii KMG Aheyd Sheekh Shariif oo Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa+Sawirro

0

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya kaga dhawaaqay in uu yahay musharx u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada dalka ka dhacaysa.

Munaasabad qado aheyd oo ka dhacday Hotelka City Palace magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 2-kun oo ruux oo isugu jiray Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Aqoonyahano, Haweenka, dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiinka ayaa waxaa uu ka cadeeyay inuu mar kale doonayo inuu qabto xilka Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana uu dalka gaarsiin doono haduu ku guuleysto xilka meel ka wanaagsan meesha uu haatan joogo.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed  uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasabad qado aheyd oo ka dhacday Hotelka City Palace ayaa ka hadlay waxyaabaha  uu qaban doono haduu ku guuleysto xilka madaxweynaha soomaliya doorashada dalka dhacaysa sanadkaan.

Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd  ayaa sheegay in 2004-tii illaa 2012 uu ku soo jiray arrimaha Siyaasada, waxaana uu tusaale u soo qaatay halgankii uu ku jiray isagoo dhalinyaro ahaa iyo markii uu xilka dowladeed qabtay, isagoo hoosta ka xariiqay in qof xil qaaday uu eed qaaday yahay.

“Waxaa aaminsanahay mudadii aan Xilka hayay in wax la qabtay, waxaa ammaan u jeedinayaa dadkii ila soo shaqeeyay, waxaa Alle weydiisanayaa in Naxariistii Janno inuu siiyo dadkii naftooya ku waayay shaqada qaranka ee mas’uuliyada ley dhiibay igu caawiyay, waxaa u mahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo kalsoonida ay i siiyeen, kuwa ku faraxsan Musharaxnimadeeda meel kasta ay joogaan”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta ogol ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab wada hadal lala geli doono, isla markaana dhalinyarada la qalday loo sameyn doono wacyi gelin, si iyagoo muwaadinimo ah bulshadooda ula noolaadaan, waxaa uu qiray inay jiraan dad duruufo dhaqaale ugu biiray Al-Shabaab iyo kuwa wax tabanayay.

“Afarta sano ee soo socota waxaa rajeynayaa in dalka doorasho loo dareeri doono oo hal qof iyo hal cod, hadaa idin xusuusiyo doorashadii 2009 ee Jabuuti ka dhacday waxaa balan qaaday oo shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada u balan qaaday in doorashada labaad inay ka dhici doonto magaalada Muqdisho”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa haatan kamid ah Musharixiinta sanadkaan u Cad doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadakana 2016-ka.

dsc_0369 dsc_0363 dsc_0321 dsc_0961 dsc_0976 dsc_1027 dsc_0657 dsc_0636 dsc_0520

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here