Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaaliya C/laahi Xuseen Mayoonge ayaa goordhaweyd lagu weeraray Gudaha degmada warta-nabada ee Gobolka Banaadir waxaa la xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaaray.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda, kadib markii Koox hubaysan oo watay gaari sida la sheegay ay rasaaseeyeen gaarigii uu watay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada.
Goobta uu falka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka waxaa haatan ka socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka, lama Oga cida loo soo qabtay weerarka lagu qaaday Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaaliya C/laahi Xuseen Mayoonge.

